5/17/2022
Africa waxaa wajaheysa hoos u dhaca dhaqaale ugu horreeyay muddo rubuc qarni ah, kaasoo ay abuurtay 'xaalado kala duwan' iyo dhibaatooyin: heerarka deynta oo sii kordhaya, isbeddelka cimilada iyo masiibada Covid-19, kuwaaso ay hadda uga sii dartay dagaalka Ukraine.
Deynta qaaradda ayaa hadda taagan in ka badan 70% GDP. Welwelka deynta waxaa uga sii daray dhaqaale xumada uu sababay masiibada, taasoo caqabad ku ah soo saarista xalalka isbeddelka cimilada ee loogu talagalay in lagu dhiso dhaqaale adkeysi leh oo waafaqsan Yoolalka Waara ee Horumarin ee Qaramada Midoobay iyo Heshiiskii Paris.
Wadamo badan oo Afrikaan ah ayaa durba dareema culeyska isbedelka cimilada, waana kuwa ugu nugul saameyntiisa sanadaha soo socda, sida abaaraha, gaajada, daadka iyo kor u kaca dhirirka badda.
Iyadoo hay'adaha sida IMF iyo Bangiga Adduunka ay kor u qaadayaan maalgashi 'cagaaran' si wax looga qabto isbeddelka cimilada iyo qiiqa CO2, waddamo badan oo soo koraya ayaa leh caqabado maaliyadeed sababtoo ah heerarka deynta sare ee ay leeyihiin, oo ma haystaan dhaqaale ay ku maalgeliyaan mustaqbalkooda.
Si loola tacaalo caqabadahan hal mar, xalka suurtogalka ah waa is-dhaafsiga deynta iyo cimilada. Nidaamka is dhaafsiga waxa uu ku salaysan yahay wax kala iibsi lacageed kaas oo qayb ka mid ah deynta dibadda ee qaranka la yareenaayo iyo lagu beddelaayo maalgashiga maxaliga ah ee mashaariicda cimilada waarta, sida tamarta la cusboonaysiin karo iyo ilaalinta.
Is dhaafsiga ayaa u oggolaanaya waddammada in ay u adeegsadaan kheyraadkooda si ay ugu kharash gareeyaan tallaabooyin ay kula qabsanayaan, ama ay ku yareynayaan saameynta isbeddelka cimilada.
Qaabkaan is dhaafsiga deynta ayaa fursado siiya waddamada dakhligoodu hooseeyo si ay wax uga qabtaan caqabadaha deegaanka iyo siyaasadda, taageerida koritaanka cagaaran ee loo dhan yahay iyo dhimista faqriga.
Markii ugu horreysay ee la soo jeediyay waa 1980-meeyadii, heshiisyada la dhammeeyay waxay ahaayeen kuwo yar-yar, laakiin is-dhaafsiga deynta iyo cimilada waxay u egtahay hab sii kordheysa oo lagu qanci karo si lagu taageero dalalka deymaha sare leh ee nugul u ah isbeddelka cimilada.
Hal tusaale oo is-dhaafsi guul leh ayaa ka dhacay Seychelles 2015-kii, halkaas oo is-dhaafsiga deynta iyo cimilada lagu buriyay US$28 milyan oo deyn ah. Natiijo ahaan, dawladda Seychelles waxay ka faa'iidaysatay dulsaar deyn ka hooseeya, $5.7 USD milyan oo dhaqaale dheeraad ah oo loo soo mariyey ilaalinta badweynta, iyo 400,000 km2 oo ah meelo cusub oo badda lagu ilaaliyo.
Iyadoo wali ay adag tahay in la abaabulo, qaar ka mid ah wadamada Afrika sida Cabo Verde ayaa hadda hiigsanaya is-dhaafsiga deynta iyo cimilada ee waara. Ra'iisul Wasaaraha Cabo Verde wuxuu ku baaqay in deynta laga cafiyo si loo helo horumar waara khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Sebtember 2020, madaxweynaha Gabon ayaa Xarunta Caalamiga ah ee Wadahadalka La-qabsiga Hogaamiyayaasha oo la qabtey bisha Abriil 2021 wuxuu ku baaqay hal-abuurnimo maaliyadeed sida is-dhaafsiga deynta lagu ilaaliyo qulqulka kaarboonka iyo noolaha Afrika.
Miisaamidda faa'iidada iyo khasaaraha
Abuuritaanka is-dhaafsiga deynta iyo cimilada oo waxtar leh, waxay u baahan tahay dadaal wadajir ah ee dowladda oo dhan iyo diyaargarow qotodheer, oo ay ku jiraan daraasado adag oo horudhac ah, awood maaliyadeed oo xooggan, u huritaanka daahfurnaanta iyo kalsoonida caalamiga ah ee kharash garaynta gudaha.
Noocyada deymaha ayaa sidoo kale aad u kala duwan, taasoo adkeyneysa habka, maadaama dhammaan deyn-bixiyeyaasha ay tahay in lagu daro mashruucaan - Shiinaha, oo ah mid ka mid ah den-bixiyaha ugu weyn ee qaaradda, iyo waxaa xittaa jiro xaddi badan oo deyn gaar ah, iyo sidoo kale deyn bixiyeyaasha kale ee reer galbeedka ah.
Rajada ayaa ah in deyn-bixiyayaasha gaarka ah ay u arki doonaan maalgashiga cimilada iyo dabiiciga hab ay ku kordhiyaan deyn si waara ah loo maamulo iyo ballanqaadyada daneeyayaasha in la yareeyo qiiqa iyo hawada wasaq ee dunida.
Xittaa inkastoo barnaamijku leeyahay caqabado, is-dhaafsiga deynta iyo cimilada ayaa awood u leh inuu noqdo qalab xoog leh oo soo jiidasho leh labada waddan, midka deynta leh iyo midka deynta bixinaaya, maadaama Afrika iyo adduunku rabaan inay u dhaqaaqaan mustaqbal la wada qaybsado, oo waara ah.
Nofeembar 2022 Masar ayaa martigelinaysa COP27, oo waxay ina siin doonaan fursad si loo dardargeliyo bixinta dhaqaalaha cimilada iyo loo dejiyo barnaamajka yool hami leh wixii ka dambeeya 2025.