Gobolka Sahel ee Galbeedka Afrika waxaa kor u kacay afgambiga

9/13/2022

Gobolka Sahel ee Galbeedka Afrika waxaa kor u kacay afgambiga

Dimuqraadiyadda Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ayaa laga arkay hoos u dhac walaac leh, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo afgambiga militari ee dhowaanahan, gaar ahaan gobolka Sahel.

Afgambiga waa isku dayo xoog leh oo lama filaan ah oo lagu doonayo in madaxda lagu rido si aan dimuqraadi ahayn xukunka laga saaro. Inta badan waxaa hogaamiya militariga, kooxaha fallaagada ah, ama kali-taliye, ujeeddada ugu dambeeya ee afgambiga waa wareejinta xukunka sare. Kacdoonku, wuu ka duwan yahay oo waa kacdoon dadwayne, ujeeddadooduna tahay sidii ay dalkooda u gaari lahaayeen is-beddel bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Afgambiyada guud ahaan waxay dhacaan xilliyada ay jiraan xaalado dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed oo xun, iyo sidoo kale amni-xumo sii kordhaysa. Tani waxay si gaar ah uga muuqataa gobolka Sahel, halkaas oo abaaro, gaajo daran iyo kacdoono rabshado wata ay ka dhaceen gobolka sannado badan. Sababta kale ee afgambiga u batay ayaa ah marka hoggaamiyayaasha ay ka maqan yihiin sharci ahaan indhaha muwaadiniintooda ama ciidamada qalabka sida, sida lagu arkay Madaxweyne Condé oo ku sugan Guinea.

Kor u kaca xukunka dimoqraadiga ah ee ka dhex jira goobaha afgambiga ka dillaacay

Tan iyo 1950-meeyadii, Afrika waxaa ka dhacay tiradii ugu badnayd ee afgambi meel kasta oo adduunka ka mid ah, waxaana 45 ka mid ah 54-ta waddan ee Afrika ay la kulmeen ugu yaraan hal isku day afgambi. 486 ka mid ah isku dayga afgambi ee laga diiwaan galiyay caalamka, 214 ka mid ah ayaa ka dhacay Afrika. Galbeedka Afrika iyo Sahel, oo loo yaqaano 'bartamaha afgabiyada' ee qaaradda, waxaa ka dhacey 126 ka mid ah kuwan, waxaana labadii sano ee la soo dhaafay, Burkina Faso, Chad, Guinea, Suudan, iyo Maali ay dhammaantood la kulmeen afgambi militari oo guul leh.

Iyadoo ay jiraan dhacdooyin gooni-gooni ah oo afgambi ah oo ka dhacay gobollo ka tirsan Afrika, dawlado dimoqraadi ah ayaa laga hirgeliyay ilaa 1980-meeyadii, gaar ahaan Galbeedka Afrika, dhaqanka dimoqraadiyaduna waa uu ka sii socdaa qaybaha kale ee qaaradda. Isticmaalka sii kordhaya ee hababka codaynta biyometrikada ah, korodhka ka qaybgalka bulshada ee shabakadaha warbaahinta bulshada, iyo kor u kaca hadalka dadweynaha ayaa horseeday isla xisaabtan weyn iyo hagaajinta amniga doorashada.

Waddamada ay ka mid yihiin Laybeeriya iyo Siiraaliyoon waxa ka dhacay dhacdooyin taariikhi ah oo afgambi rabshado wata, kali-talisnimo iyo dagaal sokeeye. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinkoodii ugu dambeeyay ee dimuqraadiga ah ee 2017 iyo 2018, waxay muujiyeen awood wareejin nabad ah, iyadoo labada waddanba ay heleen wareegyo ku celis ah oo doorashada madaxweynaha.

Inta badan khubarada ayaa isku raacay in afgambiyada Afrika hoos u dhacay labaatankii sano ee la soo dhaafay. 2019, si kastaba ha ahaatee, tirooyinka ayaa bilaabay inay kor u kacaan. Sannadkii 2020-kii hal afgambi oo keliya ayaa la soo sheegay, laakiin 2021, lix afgambi oo kale ama isku day afgambi ayaa ka dhacay qaaradda oo dhan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay dib u dhaca dimuqraadiga ah ee lagu arkay guud ahaan Afrika inay tahay cudur faafa oo afgambiyada. Waxa uu afgambiyada ku aaneeyay kala qaybsanaan juquraafiyeed xooggan ee qaramada dhexdooda ah, taas oo ay uga sii dareen saamaynta dhaqaale iyo bulsho cudurka COVID-19 ku yeeshay dalalka.

Dimuqraadiyaddu wali waa riyo

Afgambiyada waxay had iyo jeer noqon doonaan qodob ka dhasha waddamada leh dimuquraadiyad jilicsan, adeeg-bixin liidata, cunto yari iyo kacdoon. Shacabku waxay inta badan taageeraan faragelinta militariga iyagoo rajeynaya inay keeni doonto dowlad rayid ah oo wax ku ool ah, oo ma rabaan inay ku noolaadaan nidaam talisnimo leh. Muwaadiniinta Guinea iyo Mali, tusaale ahaan, waxay taageereen afgambigii xilka looga tuuray Madaxweyne Condé iyo Madaxweyne Keïta, haddana sahanno ay dhowaan samaysay Afrobarometer ayaa lagu ogaaday in 76% dadka Guinea iyo 70% dadka Mali ay diidaan yihiin xukunka militariga.

Xittaa inkasta oo ay aad u badan yihiin kali-talisyada iyo kali-talisyada ay hogaaminayaan militari qaybo ka mid ah Afrika, boqolkiiba tiro badan oo Afrikaan ah ayaa taageera dimuqraadiyadda. Awoodda ay ku saameyn karaan go'aannada mustaqbalka ee dalalkooda iyo in la maqlo codkooda ayaa weli ah mid soo jiidasho u leh inta badan Afrikaanka, iyadoo 69% ay sheegeen in 'dimuqraadiyadda ay ka door bidayso dowlad kasta oo kale'.

Maamulka rayidka hoggaamiyo waxa uu ogolaanayaa in si wanaagsan loo raaco sharciga, xoriyada hadalka, si nabad ah xukunka loo kala wareejiyo iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Daraasad dhowaan la sameeyay waxay muujinaysaa in Dimuqraadiyada Afrika celcelis ahaan ay dhaliyaan koboc dhaqaale oo ka sarreeya iyo inay si ka wanaagsan u bixiyaan adeegyada bulshada maadaama maalgelinta dawladdu uu yahay mid ku jihaysan dano guud oo ka fog baahiyaha gaarka ah. Faa'iidadan ayaa la muujiyay in ay aad u caddahay inta uu waddanku sii ahaanayo mid dimuqraadiyad ah. Taas bedelkeeda, maamullada militariga, sida kuwii dhawaan la wareegay Burkina Faso iyo Suudan, waxay leeyihiin taariikh dheer oo ku-takrifalka xuquuqda aadanaha ah iyo inay wiiqaan horumarka dhaqaalaha.

Mustaqbal aan la hubin, haddana rajo leh

Xittaa inkastoo afgembiyada militari ee noqnoqodka ee ka dhacay qaar ka mid ah qaaradda Afrika ay keenan carqaladayn, haddana dimuquraadiyadda ayaa weli ah hannaanka dawladnimo ee ugu horreeya qaaradda. Muwaadiniinta Afrikaanka ah waxay sii wadaan inay muujiyaan inay rabaan maamul dimuqraadi ah ka badan, ma ahan mid ka yar, kaasoo ay la xisaabtami karaan iyo ka yimaada dawladahooda ay doorteen.

Waddamada Afrikaanka ah ee ku hoos jira xukunka militariga kaligii-taliska ah, muwaadiniin badan ayaa diiradda saaraya iska caabinta iyo ka-hortagga nidaamyada iyo rabshadahooda, inkastoo ay jiraan khataro la xiriira. Bannanbaxyada iyo baaqyada loo jeedinayo beesha caalamka ee ka imaanaya dalalka Liibiya, Mali iyo Guinea ayaa sidoo kale weli sii socda, iyagoo muujinaya mar kale in dagaalka lagu doonayo in lagu helo dal dimoqraadi ah iyo mid dhaqaale ahaan xasiloon uu yahay dab aan la damin.

La xidhiidha