Xeebta Afrika oo dhirirkiisa yahay ku dhawaad 19,000 oo mayl, waa mid baaxad ah oo si cajiib ah qani ugu ah deeqaha deegaanka. 38 ka mid ah 54-ta dalal ee qaarada Afrika ayaa ah kuwo xeebo leh, halkaas oo kalluunka biyaha macaan iyo kalluunka badweynta yihiin cuntada iyo hab-nololeedyada muwaadiniin badan.
Taasi waa sababta aysan la yaab lahayn in hindise cusub oo lagu abuurayo laguna ilaalinayo isku-xirka goobo lagu ilaaliyo badda, sida Darbiga Weyn ee Buluugga ah, horayba Afrika oo dhan laga jeclaadey.
Hindisaha Darbiga Weyn ee Buluugga ah waa dhaqdhaqaaq caalami ah, oo ay hoggaamiyaan isbahaysiga waddamo Afrikaan ah, kuwaas oo doonaya in ay ilaaliyaan oo soo celiyaan Badweynta Hindiya. Toban waddan, oo ay ku jiraan Kenya, Soomaaliya, Koonfur Afrika iyo Tanzaania, ayaa isu imanaya, taasoo qayb ka ah ballan-qaad ballaaran oo caalami ah oo lagu ilaalinayo boqolkiiba 30 ee badaha adduunka.
Loo yaqaan Derbiga Weyn ee Buluugga ah, ujeedadu waa in la abuuro shabakad isku xiran ee aagag lagu ilaaliyo qaar ka mid ah noolaha badda ku jira khatarta ugu badan adduunka.
Ayadoo dhiirigelin ka qaadanayso mashruuca dhiraynta Derbiga Weyn ee Cagaarka ah, ujeeddada mashruuca buluugga ah waa mid laba laab ah.
Midka koowaad wuxuu xiran yahay ilaalinta, ma ahan keliya ilaalinta deegaanka muhiimka ah ee meelaha badda sida qararka dhagax badeedka laakiin sidoo kale meelaha deegaanka-muhiimka ah sida dhulka dhiiqada ah ee xeebta, geedaha xeebaha badda ku kora, dhulka seerada ah ee cawska badda ka baxo iyo nidaamyada deegaanka ee badda hoosteeda.
Midda labaad waa fal-celin toos ah oo ku aaddan khasaaraha uu bini'aadamka ku yeeshay waxyeellada deegaanka, iyo warshadaynta ballaaran iyo xadgudubka warshadaha kalluumeysiga ee adduunka oo dhan. Kalluunka biyaha macaan iyo midka badweynta ayaa gacan weyn ka geysta sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta in ka badan 200 milyan oo Afrikaan ah waxaana dakhli ka helo in ka badan 10 milyan.
'Dhaqaalaha buluuga ah' waa wadnaha mashruuca; wuxuuna dhiirri-geliyaa ilaalinta iyo dib-u-soo-nooleynta, si wax laga qabto labada caqabadood ee ugu daran deegaanka, kuwaaso ah is-beddelka cimilada iyo luminta noolaha kala duwan, laakiin sidoo kale in dib loo soo rogo faqriga baahsan iyo sinnaan la'aanta.
Hindisaha Darbiga Weyn ee Buluugga ah wuxuu ka dhashay baahida loo qabo in si joogto ah loo ilaaliyo kala duwanaanshaha noolaha (oo ay ku jiraan kheyraadka dabiiciga ah ee la xiriira) si ay u noolaadaan, u horumaraan iyo u kobcaan.
Si Darbiga Weyn ee Buluuga ah uu u fuliyo awoodiisa buuxda, dawladaha xubnaha ka ah waxay ballan qaadeen inay dhisaan goobo aad u ballaaran oo isku xiran oo lagu ilaaliyo noolaha badda. Laakiin tani waa bilow, waddamo badan oo kale ayaa u baahan doona in la qanciyo, oo ay barbar socoto olole maalgashi oo caalami ah.
Taageerayaasha ayaa sheegay in qorshuhu uu dib u soo celin doono iyo ilaalin doono ilaa laba milyan oo hektar oo badweyn ah, uuna qaban doono 100 milyan oo tan ee kaarboon dioxide ah iyo nabad ilaalin doono hab-nololeedka in ka badan 70 milyan oo qofood.
Maaddaama Afrika ay wajahayso mustaqbal cimilo aan la hubin (iyadoo waddamo badan noqon doonaan kuwa si xun cimilada u saameeyo) si degdeg ah ula socoshada faa'iidada labada dhinacba leh ee qorsho deegaan laga hirgelin doono Afrika oo dhan ayaa loo arkaa inuu yahay habka ugu wanaagsan ee arrintaan lagu horumariyo, heer qaran ah iyo heer deegaan ah.
Dalal badan oo ka tirsan Midowga Afrika (AU) ayaa aaminsan in furaha ciribtirka faqriga uu yahay in la waafajiyo siyaasadaha Dhaqaalaha Buluugga ah, maadaama ay kuwani soo jiidanayaan indhaha caalamka iyo maalgashiga labadaba.
Haddii si guul leh loo hirgeliyo, hindisaha Darbiga Weyn ee Buluugga ah waxa uu awood u leeyahay in uu furo iyo joogteeyo malaayiinta fursado shaqo ee dhallinyarada Afrika oo sii kordhaya.
Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabiiciga ayaa saadaaliyay in hindisaha Darbiga ay ka faa'iideysan karaan in ka badan 70 milyan oo qofood oo ku nool gobolka Galbeedka Badweynta Hindiya, oo waxaa suurtogal ah in ka badan ka faa'iideystaan haddii dalal dheeraad ah ay ku soo biiraan.
Aragtida siyaasadahan cusub ee 'dhaqaalaha buluuga ah' waa mid ka mid ah is-dhexgalka iyo waaritaanka, taas oo si weyn uga qayb qaadanaysa is-beddelka iyo kobaca Afrika.