Kaymaha cagaarka ah ee ka haray Itoobiya

6/1/2022

Kaymaha cagaarka ah ee ka haray Itoobiya
‘Kaymahani uma roona dadka oo kaliya, sidoo kale waa hoyga ugu dambeeya ee xayawaanka duurjoogta ah… nooc kasta oo noole iyo dhir ah.’
Dr. Alemayehu Wassie, khabiir ku takhasusay deegaanka iyo ilaalinta kaynta kaniisadda Itoobiya

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya ee burburka keenay ee u dhexeeya gobolka Tigreega iyo dawladda federaalka ayaa socda sannadkii labaad, iyadoo aanay muuqan calaamado dib-u-heshiisiin ama guul. Khasaare nafeed oo baaxad leh, iyo burbur soo gaaray dalxiiska iyo warshadaha, gobolka sidoo kale waxaa wajahaya khasaare baaxad leh oo xagga deegaanka ah.

Dhaawaca kaymaha, xayawaanka duurjoogtada ah iyo noolaha kala duwan ayaa la socda cabsida laga qabo in ay sii kordhaan xaalufinta iyo gaajada.

Mid ka mid ah difaaca suurtagalka ah ee lagu soo celinayo kheyraadka dabiiciga ah ee muhiimka ah waa barnaamijyada ilaalinta bulshada ku saleysan ee isku dhafan diinta iyo deegaanka, kaasoo ku caawiya badbaadinta keymaha ugu dambeeya ee dalka – 'kaynta kaniisadda'.

'Haddii aad aragto kayn ku taal Itoobiya, waad og tahay in kaniisad ku taal keynta dhexdeeda'.
Dr. Alemayehu Wassie

Maanta, keymahaan gaarka ah ee leh noole kala duwan - oo tiradoodu ku dhowdahay 35,000 - waxay ku hareeraysan yihiin dhawr kaniisado oo Itoobiya ah. Waxay yihiin dhammaan wixii ka soo haray kaymihii dhaadheeraa ee dabiiciga ahaa, ee mar dabooli jiray Itoobiya, kuwaas oo ay la socdaan kala duwanaanshahooda noole, badnaantooda waa laga waayay qarnigi ina dhaafay.

Kaynta kaniisad kasta waxaa ilaaliya wakiiladooda diinta iyo bulshooyinka ku xeeran. Waa qaybo yaryar ee taariiq lumay, iyo xudunta rajada ilaalinta iyo soo celintooda mustaqbalka.

Cimilada Itoobiya oo sii xumaanaysa

In ka badan 115 milyan oo qof ayaa ku nool Itoobiya, kaasoo ka dhigaayaa waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika (Nayjeeriya ka dib) iyo weli waa dhaqaalaha ugu kobaca badan gobolka, oo wuxuu korey boqolkiiba 6.3 2020/21. Sidoo kale waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan, iyada oo dakhliga guud ee qaranka uu yahay $890 qofkiiba.

Maadaama 80% ee dadweynaha Itoobiya ay ku nool yihiin dhulka miyiga ah, dhul balaarinta, daaqsinka lo'da oo sii xoogaysanaya, xaalufka dhulka beeralayda ayaa sababay gaajo soo noqnoqda iyo hoos u dhaca keymaha oo waxaa lumay qiyaastii 90% - hadda waxaa soo harey kaliya 4%.

Waa maxay kaynta kaniisaddu?

Kaniisadda Tewahido ee Itoobiya wuxuu leeyahay ku dhowaan 50 milyan oo xubnood, waa diinta ugu sareysa dalka. Marka loo eego caqiidada diinta, kaymaha ayaa calaamad u ah jannada dhulka - Jardiinooyinka yaryar ee Ceeden.

Qaar ka mid ah meelahan ee laga helo kala duwanaanshaha noolaha, ruuxnimada, iyo ilaalinta deegaanka ayaa lagu qiyaasaa inay jiraan 1,500 oo sano, kuwaas oo qayb ka ahaa nolosha diinta iyo cilmaaniga ilaa qarnigii afraad ee AD. Ujeeddadoodu waxay u dhaxaysaa meelaha diinta ah ilaa goobaha la ilaaliyo ee dhirta, xayawaanka, iyo meelaha cagaaran ee ammaan ah ee logu talagalay dadka.

'Waa qayb fog oo adduunka ka mid ah, halkaas oo deegaanka dabiiciga ah uu noqday qayb ka mid ah deegaanka ruuxiga ah,' Christof Mauch, maamulaha Xarunta Deegaanka iyo Bulshada ee Rachel Carson ee Jaamacadda Munich, Jarmalka ayaa u sheegay Nature.

Muhiimada ay kaymaha ku leeyihiin ilaalinta noolaha Itoobiya

'Ilaalinta qarsoon' - ilaalinta oo ah mid ka soo baxday mas'uuliyadda diinta - ayaa loo arkaa inay muhiim u tahay sii wadida nolosha miyiga ee bartamaha iyo woqooyiga sare ee Itoobiya.

Bulshooyinka deegaanku waxay ku tiirsan yihiin kaymaha kaniisadaha si ay ka helaan adeegyada aasaasiga ah ee deegaanka, sida biyaha saafiga ah, hadhka, taranka dalagga, korriinka abuurka geedaha iyo xakamaynta cayayaanka, sii loo sii caawiyo dadaallada beeralayda ee ku hareeraysan iyo sidii caqabad ka noqdo xaalufinta.

In ka badan boqollaal sano, kaymaha waxay noqdeen kayd hidde-side, lama huraan u ah badbaadada mustaqbalka nolosha aadanaha ee Itoobiya; Muhiimada diintooda iyo bulshadooda waxaa lagu simayaa kaliya muhiimada ay leedahay shaqadooda deegaanka.

Waxqabadyada ilaalinta oo shaqaynaya

Iyada oo la aqoonsanayo doorka kaymaha kaniisadaha ee mustaqbalka waara ee Itoobiya, aqoonyahannada deegaanka ee caalamiga ah waxay ku biireen xoogagga deegaanka si ay u fuliyaan qorshayaasha ilaalinta iyo kobcinta korriinka noolaha.

Qorshayaasha sida mashruuca TREE Foundation ee Itoobiya waxay rabeen inay kordhiyaan kala duwanaanshaha noolaha iyo dhiirigelinta shaqo waarta oo maxalli ah iyo badbaado ruuxiyan ah. Mashruucu waxa kale uu la shaqeeyay National Geographic Society xagga tirinta iyo daba-galka noocyada kala duwan ee dhirta iyo noocyada xoolaha.

Meg Lowman, oo ku takhasusay cilmiga deegaanka kaynta ee Akademiyada Sayniska ee California ee San Francisco, ayaa ku biirtay ilaaliyaha Itoobiya Dr Wassie. Si wada jir ah ayey wadaaddadii ula shaqeeyeen si ay u dhisaan darbiyo hoose oo fudud si ay si taxadar leh u kala xadeeyaan kaymaha, maadaama beeralayda deegaanka ay u ogolaadeen in xoolahooda ay galaan oo ay ku daaqaan kaymaha iyo geedaha ka baxa, ama ay halkaas naftooda uga ugaarsadaan cunto.

Dhismaha darbiyada dhagaxa ayaa sidoo kale dhiirigelinaya in laga saaro dhagxaanta beeraha iyo in ay ka shaqeeyaan miyiga, kor u qaadista wax soo saarka dalagga iyo wax soo saarka gudaha. Intaa waxaa dheer, oo ah tan ugu muhiimsan, waxay u oggolaaneysaa fursad weyn in la ballaariyo kaynta ah, ka hortagga lo'da inay cunaan geedaha yaryar taasoo taageereysa korriinka cusub ee kaynta.

Cilmi-yaqaannada deegaanka ayaa sidoo kale soo abaabulay aqoon-is-weydaarsiyo bulshooyinka maxalliga ah iyo wadaaddada, iyagoo siinaya agab waxbarasho iyo taageero si ay u dhiirri-galiyaan wakiilnimo ballaaran oo bulshada oo dhan ah.

Arka wanaagga geedaha

Gabaadka ugu dambeeya ee noocyo noole badan, oo ay isku xiran yihiin xushmada ruuxiyanka ah iyo qiyamka bulshada, kaymaha kaniisaddu waxay ilaalinayaan kaynta wadaniga ah ee Itoobiya ee tirada yar ee haray iyo noocyada noole ee waddaniga ah.

In kasta oo ay baaxaddoodu yar tahay iyo khatarta ah in ay ku soo xad-gudbaan dhul-beereed oomane ah, kayn kasta waxa tilmaamaysaa rajo cusub in mustaqbalka dib loo soo celiyo kala-duwanaanshaha noolaha, horumar waara, iyo isku-duubnida bulsho ee Itoobiya oo sii kordheysa, iyo dhibaatooyinka deegaanka ee weligeed taagan.

La xidhiidha