Warbaahinta maanta, wararka iyo qulqulka xogtu si dhaqso ah ayuu faafaa, waxaana la heli karaa si ka fudud sidii hore.
Taas oo macnaheedu yahay in aan hayno fursado ka yar in la baaro, ama xaqiiqo-hubiyo, sheekooyinka iyo weedhaha kala duwan ka hor intaanay warbaahintu soo bandhigin, iyo wadaagaan macaamiishu.
'Wararka been abuurka ah' wuxuu hadda qayb ka noqday wareegga macluumaadka warbaahinta, iyada oo mas'uuliyiinta iyo dawladuhu ay isku dayayaan inay xakameeyaan, ama isku dayaan inay ka hor yimaadaan sheekooyinka la soo bandhigay.
Saxafiyiinta iyo shabakadaha wararka ayaa sidoo kale la dagaallamaya 'macluumaad khaldan' dhinacyo badan. Tartanka loogu jiro in la ahaadoo warbaahin la aqoonsan yahay, waxay inta badan si ula kac ah ugu lug leeyihiin faafinta macluumaadka khaldan.
Si looga hortago faafitaanka Wararka been abuurka ah, dawladaha iyo NGO-yadu ayaa bilaabay inay la dagaalammaan iyaga oo dhisay hay'ad ku lug leh hubinta macluumaadka, iyo maalgelinta tababarka xarumaha warbaahinta si ay u aqoonsadaan sheekooyinka shakiga leh.
Dawladaha qaar ayaa sidoo kale fulinaya tillaabooyin adag, sida xannibaadda qalabka isgaarsiinta ama qaadashada koodka dhijitaalka ah si loo xakameeyo faafitaanka macluumaadka beenta ah iyo been abuurka ah.
Wacyigelin la'aan, rabitaanka in si firfircooni leh loo daabaco wararka, iyo caalamiyaynta warbaahinta guud macnaheedu waxaa weeye inay hadda aad uga sii muhiimsan tahay saxafiyiinta Afrika inay helaan agabka iyo farsamooyinka ay u baahan yihiin si ay u xaqiijiyaan wararka.
'Wararka been abuurka ah' ma ahan kaliya haddii ay sheekada ama hadalka run yahay ama been yahay.
Waxaa jira qaabab kala duwan oo faafinta wararka been abuurka ah ay qaadan karto; wararka qaar waa khatar laakiin ma lahan ujeedo xaasidnimo ah, dhinaca kalena waxaa jiro warar si baaraandeg leh loo faafiyay.
Seddexda nooc ee ugu badan ee wararka been abuurka ah waxaa ka mid ah: Warar been abuur ah (war been ah, la faafiyo iyadoo aan la lahayn ujeeddo in waxyeello la geysto), war-xumo (war been ah, si bareer ah loo faafiyo si ay waxyeello u geysato), iyo war-xun xaasinimo leh (marka xogta dhabta ah la wadaago si tusaale ahaan loo waxyeelleeyo nolosha gaarka ah ee siyaasiga xilliga doorashada).
Sababta kale ee ay wararka been abuurka ahi u sii jiraan oo ay u sii horumarayaan, waxa weeye warbaahinta bulshada ee kala duwan iyo shirkadaha xayaysiisyada ayaa ka faa'iideysta khalkhal abuurka xad-dhaafka ah sababtoo ah waxay u fiican tahay ganacsiga, waana hab laga fogaado ama loo diido sababaha dhabta ah dhibaatooyinka.
Maadaama saamaynta xun ee wararka been abuurka ah ku leeyahay siyaasadda caalamka, NGO-yada Afrika waxay noqdeen gar-qaadayaal oo xaqiijinaayo wararka; oo aad u jecel in ay wararka siyaasiyiintu baaraan, iyaga oo warbaahinta maxalliga ah tababaraya waxa loo baahan yahay in la baaro ka hor intii warka la faafinin.
Ururada sida Verifox Africa, oo loo sameeyay inay la dagaalamaan faafinta wararka been abuurka ah ee Benin, Burkina Faso iyo Côte d'Ivoire, ayaa loo arkaa inay si gaar ah muhiim ugu tahay doorashada. Ayadoo dhiirigeliyay Verifox, Desinfox Africa waxay taageertaa xarumaha warbaahinta ee lix wadan oo Faransiis ku hadla si ay u horumariyaan hubinta xaqiiqda iyo anshaxa tifaftirka.
Taariikhda dhow ee kala qaybsan ee Liibiya waxaa ka mid ahaa faafreebka internetka iyo cadaadiska saxafiyiinta. Madal la socodka wararka Liibiya ee Falso oo loo aasaasay si loo bandhigo cadaalad darada ka jirta warbaahinta, iyadoo ay barbar socoto wararka laga shakiyo iyo hadalada nacaybka leh.
Khuraafaadka ku saabsan faafitaanka Covid-19 iyo cabsida ku xeeran tallaalka ayaa ku qasabay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) inay aasaasto Isbahaysiga Jawaab-celinta Infodemic Africa.
'Waxaan ku aqoonsanaa macluumaadka khaldan qalabkeena dhegeysiga warbaahinta bulshada, waxaanan la soconaa sida ay si degdeg ah u faafto,' ayuu yiri Sergio Cecchini WHO infodemic manager.
Anagoo la shaqaynaya 20-ka-hawlgalayaal kala duwan ee qaaradda oo dhan, Isbahaysigu waxay daaha ka qaadaa sheekooyin been abuurka ah, oo wuxuu faafiyaa xog gaar ah oo sax ah. Shabakadda waxay soo saartay in ka badan 250 fiideyow ilaa hadda, kuwaas oo gaaraya ilaa 170 milyan oo Afrikaan ah.
Awood-siinta dhagaystayaashu inaysan iska aaminin wararka, iyada oo la dhisayo hubinta aasaaska sheekada ama warka ee arrimaha hadda jira ayaa ah hal dariiq lagu caawinayo la dagaalamka wararka been abuurka ah.
Laga soo bilaabo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Ukraine, ilaa sheegashada dowladda ee shakiga leh goorta doorashooyinka, dhalinyarada isticmaala baraha warbaahinta bulshada maanta waxay la qabsadeen inay arkaan warbixinnada hubinta, oo ay ku jiraan Hubinta Afrika iyo NewsVerifierAfrica.
Xaqiiqda dhabta ah wararka iyo macluumaadka saxda ah waxay dadka u ogolaataa inay sameeyaan xulasho xog ogaalnimo leh oo ku saabsan bulshada dimuqraadiga ah iyo arrimaha kale ee danta guud.
Taas oo macnaheedu yahay in daba-galka iyo soo bandhigida macluumaad aan la iska aaminin, la hubiyay ayaa dhiirigelin doonaa maamul wanaagsan iyo isla xisaabtan.
In kasta oo cawaaqib xumo ka yimaado wararka been abuurka ah, waxa jira ilo xaqiiqo-hubin oo badan oo la heli karo oo ka badan sidii hore. Xaqiiqooyinka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee hubinaya xarumaha wararka, oo ay ku jiraan BBC iyo France24 waxayna gacan ka geysanayaan sidii loo caadiyeyn lahaa wax-weydiin badan, warbaahin ku jihaysan runta.
Soo ogow sida dhalinyarada Ghana ay u isticmaalayaan warbaahinta bulshada si ay uga hortagaan wararka been abuurka ah, u muujiyaan dareenkooda oo ay u sii wadaan inay riixaan isbeddelka ay rabaan inay ku dhex arkaan bulshada, gudaha wararka ugu dambeeyay ee Beyond The Headlines film.