La dagaalanka Argagaxisada si wada jir ah – Sida wada shaqayntu u noqotay hubka cusub ee lagula dagaalamayo xagjiriinta Afrika

3/16/2023

La dagaalanka Argagaxisada si wada jir ah – Sida wada shaqayntu u noqotay hubka cusub ee lagula dagaalamayo xagjiriinta Afrika

Qoritaanka ururada xagjirka ah ee rabshada wata waxaa keenaa saboolnimo ee ma ahan caqiido, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Badanaa, muwaadiniintu waxay sheegaan inay ku biiraan kooxaha argagaxisada ah sababo dhaqaale awgeeda ee ma ahan sababo diimeed, iyadoo Afrika ay wali la xisaabtanto saamaynta cudurka faafa ee korona, saamaynta qalalaasaha cimilada iyo sicir-bararka ay sababeen walaacyada amniga ee socda.

Kooxaha argagaxisada ah sida al-Shabaab iyo Boko Haram ayaa weli si xun u saameeya nolosha dadka, amniga iyo nabadda qaaradda oo dhan, iyagoo ku hanjabaya inay dib u celin doonaan guulaha horumarineed ee mustaqbalka.

Ku kalsooni la'aanta dowladda iyo ku qanacsanaan la'aanta adeegyada laga baxsho gobolka ayaa hoosta ka xariiqaya soo jiidashada kooxaha xagjirka ah ee rabshada wata ee isu bandhiga sida dowlad-goboleedyo iyo adeeg-bixiyayaal ka duwan" ayaa lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee, hindisayaasha qaranka iyo la-hawlgalka gobolka iyo qoloyinka caalamiga ah ayaa soo saaray xeelado cusub oo wax ku ool ah si looga hortago argagixisada.

Hadafyada la wadaago. Isku biirid xoog.

Wadamada Afrika ayaa sidoo kale hormuud ka ah iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah si loo adkeeyo tallaabooyinka amniga. Laga soo bilaabo Ghana iyo Nayjeeriya ee galbeedka Afrika, ilaa Soomaaliya oo bari ah, hindisayaal cusub, oo aasaas u ah sirdoonka maxaliga ah iyo taageerada caalamiga ah, ayaa bilaabaya inay muujiyaan natiijooyin.

Iyada oo laga jawaabayo rabshadaha jihaad doonka ah ee gobolka Bawku, ciidamada qalabka sida ee Ghana ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la aasaasay Kulliyadda Dagaalka, taas oo diiradda lagu saarayo tababarida jiilka cusub ee dadka xirfad u leh qorsheynta xeel militari iyo hoggaamiyeyaasha. Dadka reer Nayjeeriya ayaa ayagaba, ka falceliyay carqaladaynta joogtada ah ee Boko Haram iyo ISWAP iyaga oo dhisay Isbahaysiga Runta, oo ah isbahaysi ka kooban ururada bulshada rayidka ah, oo loo sameeyay in lagula dagaalamo dacaayadaha xagjirka ah ee internetka gudahiisa iyo dibeddiisaba.

Agaasimaha fulinta ee Neem Foundation, Dr Fatima Akilu ayaa sharraxaysa:

'Dhab ahaantii ujeedada mashruucaan waa in lagu dhimo taageerada dhegeystayaasha ay beegsadeen kooxaha xagjirka ah ee maxalliga ah ayadoo lagu ceybeenaayo hawlahooda lagana faa'iidaysanayo khilaafkooda.'

'Intaa waxaa dheer, waxay ujeedadeedu tahay in la hagaajiyo awoodda dhageystayaasha' inay sameeyaan falanqayn ujeedo leh iyo qiimeynta xaaladda, iyo u adkaystaan dacaayadda iyo macluumaadda khaldan ee xagjiriinta rabshadaha wata,' ayay tiri.

Guulka beelaha maxalliga ee Soomaaliya

Ka dib tobanaan sano oo weerarro fallaago ah, al-Shabaab waxay sii waddaa carqaladaynta nolosha dadka reer miyiga ah ee Soomaaliyeed.

Qabiilada iyo tuulooyinka ayaa had iyo jeer isku dayay inay iska caabiyaan dalabaadka kooxda argagixsada, oo ay ku jiri karaan canshuur loo yaqaan 'zaakad', iyo sidoo kaleba xoolo, hub iyo wiilal ay u isticmaali karaan dagaalyahano. Hadda oo ay dawladu garab taagan tahay, beelaha deegaanka ayaa bilaabay inay kor u kacaaan iyo xaaladaha gacantooda ku qabataan.

Maleeshiyada Macawisleyda oo loogu magacdaray macawiska ay xirtaan waxay ka kooban yihiin beelo deegaanka ah oo iska caabiya Al-Shabaab. Waxaa la aasaasay 2018-kii, waxayna la dagaalameen kooxaha Al-Shabaab ayagoo ka gaarey guulo kala duwan. Dhaxalkoodu waxa uu ahaa in ay ku dhiiri galiyaan dadka kale ee degan gobolada dhexe ee Soomaaliya inay ka hortagaan argagixisada. Bishii Juun, dadka degan tuulada Baxdo oo iska caabin jiray canshuuraha Al-Shabaab, ayaa iska celiyay dagaal culus uu ku soo qaadey kooxda. Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay inay dileen ilaa 70 dagaalyahan Al-Shabaab ah.

Dowladda Soomaaliya iyo ATMIS (Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya) ayaa sidoo kale ku baaqay wada shaqaynta dadka deegaanka iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo gacan ka geystay xoreynta deegaanno ay ka mid yihiin Ceeldheer, Xarar Dheere iyo Galcad oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Argagixisada Al-Shabaab waxa ay deegaanadaas ka talinayeen in ka badan 15 sano, balse taasi hadda waa la soo afjaray” ayuu yiri Daud Aweis, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Tignoolajiyada Soomaaliya.

Madaxa ATMIS Mohamed El-Amine Souef wuxuu asagan yiri: 'Soomaalidu waxay dareemayaan in cadowgooda koowaad uu yahay al-Shabaab. Waana sababta keentay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay taageero badan ka helaan dadka ku sugan tuuloyinka dowladaha xubnaha ka ah federaalka.'

ATMIS iyo Ciidanka Soomaaliya ayaa sii wadi doona iskaashiga howlgallada wadajirka ah ee militari ee la dagaalanka al-Shabaab, iyo isku duwidda maleeshiyo beeleedyada si ay si joogto ah u qabsadaan dhulalka ay la wareegeen iyo ka dhisaan maamullo degaan. Dadaalladii ugu dambeeyay ay dowladdu samaysay si ay ku xasiiliso dalka iyo ku taageerto ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa inay taliska Mareykanka ee Afrika ka codsato taageero dhinaca weerar xagga cirka ah.

Si wadajir u qaadida hindise

Hindisaha Accra wuxuu ka dhashay rabitaanka todobada wadan ee Galbeedka Afrika ah inay dhaqaale isugu geeyaan oo ay isla wadaagaan xeeladaha lagu heli lahaa habab firfircoon oo wax laga qabto qulqulka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha leh ee ka socda gobolka Saaxil.

Faafitaanka xagjirnimada ayaa horseeday shirkii ugu horreeyay ee la-dagaalanka argagixisada ee Accra bishii Nofeembar 2022, oo ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka socda Benin, Burkina Faso, Côte d'Ivoire, Ghana, Mali, Nayjeeriya iyo Togo.

Wadaagga macluumaadka iyo sir-dawladeedyada ayaa ahaa bartilmaameedka koowaad ee kooxda, iyadoo ay barbar socoto heshiis lagu abuurayo ciidan u heellan la dagaalka mujaahidiinta qalqal geliyay xasilloonida gobolka.

Ghana iyo Côte d'Ivoire ayaa sidoo kale si wadajir ah sanadkan u martigelinaya dhoolatuska militari ee caalamiga ah ee Flintlock, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda la dagaalanka xagjirnimada rabshadaha leh ee gobolka.

Dhoolatuskan sanadlaha ah ayaa u oggolaanayo ciidamada Afrikaanka inay la tababartaan ciidamada gaarka ah ee militariga Mareykanka, ayna wanaajiyaan awoodooda, iyo wanaajiyaan xiriirka wada shaqeyn ay la leeyihiin ciidamada kale ee Afrikaanka ah ee ku sugan gobolka.

Iyadoo ay ka qayb qaadanayaan in ka badan 1,300 oo askari oo ka kala socda 30 dal oo Afrikaan ah iyo dalalka xulafada la ah, barnaamijku waxa uu sidoo kale rajaynaya in la horumariyo isku xirka ciidamada gaarka ah ee militariga caalamiga ah ee ka dhexeeya dalalka Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

Inta lagu jiro barnaamijka labada toddobaad, ka qaybgalayaasha waxaa sidoo kale lagu dhiirigelin doonaa inay bartaan hababka ugu wanaagsan oo ay la qabsadaan khataraha soo koraya ee la xiriira xeeladaha iyo teknoolojiyadda cusub.

Ammaanka badda ayaa sidoo kale soo hagaagaya maadaama la isticmaalay xeelado isku dhafan iyo taageero caalami ah.

Hoos u dhaca joogtada ah ee dhacdooyinka burcad-badeednimada iyo dhaca hubaysan ee badda ee ka dhaco Gacanka Guinea tan iyo 2020, ayaa loo aaneeyay dadaallada wadajirka ah ee maamuladaha qaranka ee Nayjeeriya iyo Togo, oo ay weheliyaan taageerada dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Dhoolatuska militari, oo lagu qaban doono Lagos, Nayjeeriya, ayaa ka koobnaan doono xaaladaha tababarka dekedda iyo badda labaduuba oo ay ku jiraan hawlaha badda, aqoonta xarunta iyo is-dhaafsiga daryeelka caafimaadka, hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta, iyo farsamooyinka fuulitaanka maraakiibta.

Bishii Janaayo ee sanadkan, soddon iyo saddex waddan ayaa sidoo kale ka qaybqaatay dhoolatuska caalamka badda ee ugu wayn ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, oo loo yaqaan ObangameExpress (OE23).

Dhanka bari, iskaashiga goboleed ee ka dhexeeya Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda, ayaa dejiyay hawlgal istaraatiijiyadeed oo lagu ilaalinayo nabadda laguna xoojinayo xasilloonida gudaha Soomaaliya oo qayb ka ah ATMIS. Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale bixiyay taageero dheeraad ah oo ku biiray weerarka Al-Shabaab.

Kenya waxay sidoo kale martigalisay Heshiiskii Caddaaladda ee 2023, dhoolatus caalami ah oo ay ka soo qayb galeen militari ka kala socday in ka badan 20 waddan, si loo kordhiyo u diyaargarowga dawladaha ka hawlgala nabad ilaalinta, wax ka qabashada dhibaatooyinka, iyo gargaarka bini'aadantinimo.

Xoojinta dhaqaalaha

Inkastoo loo baahan yahay in laga hortago sababaha asaasiga u ah dareemid awood la'aan iyo fursad la'aan kaasoo u oggolaaday argagixisanimada inay horumarto, waxaa sidoo kale muhiimin ah in la hubiyo in dhaqaalaha Afrika uu ku habboon yahay mustaqbalka. Nidaam maaliyadeed oo adag, shaqo abuur iyo fikrado dakhli oo sii koraaya ayaa ahaa mawduucyada muhiimka ah ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee 2023 ee dhowaan la qabtey.

Mashruuc kale oo awood leh waa Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (ACFTA). Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, mashruucan calamka ah wuxuu awood u leeyahay in uu kor u qaado ganacsiga ka dhexeeyo dalalka Afrika ilaa 33% iyo kala bar u dhimiyo hoos u dhaca ganacsiga qaaradda. Haddii si buuxda loo hirgeliyo, ACFTA waxay kor u qaadi kartaa dakhliga 9% ilaa sanadka 2035 waxayna ka saari kartaa 50 milyan oo qof saboolnimada ba'an.

Aagga ganacsiga xorta ah wuxuu ballan-qaadayaa is-dhex-gal dhaqaale oo ballaaran oo qoto-dheer oo ka dhexeeya qaramada, wuxuuna soo jiidan doonaa maal-gashi - kuwaasoo bixin doona shaqooyin wanaagsan, kordhin doonaa fursadaha shaqo, iyo dhimin doono saboolnimada.

Kobcinta amniga dhaqaalaha iyo kobaca mustaqbalka fog ee qaaradda ayaa keeni kara fursado waaweyn oo lagu kasbado nolol-maalmeedka, iyo beddel xooggan intii lagu biiri lahaa kooxaha hubeysan.

Awoodda Wada-shaqaynta

In kasta oo ay sii kordhayaan kacdoonnada ka socda qaaradda oo dhan, waddamada Afrika waxay sii wadaan inay helaan habab cusub oo ay wax ka qabtaan khatarta amni-darrada ee ka imanaysa ururada xagjirka ah ee rabshada wata.

Marka lagu daro xogta cusub ee horseedday dadaallada amniga iyo ololayaasha macluumaadka ka hortagga ah, wada shaqeynyo wax ku ool ah oo kala duwan ayaa muujinaya qiimahooda heer maxalli, heer qaran iyo heer caalami.

Markii uu sii socdo iskaashiga amniga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya wadamada Afrika, iyo dalalka kale ee caalamka ah, iyo xoojinta iyo taageerida maxalliga ah, kooxaha argagixisada si adag ayaa looga hortegi karaa oo xitaa la baabi'in karaa.

'Bulshooyinka maxalliga ah waxay door muhiim ah ka ciyaaraan taageeridda dariiqyada waara ee joojinta xagjirnimada rabshada leh, oo ay la socdaan barnaamijyada cafiska ee dawladaha.'
Nirina Kiplagat, oo ah khabiir UNDP u qaabilsan ka hortagga xagjirnimada rabshada wata ee Afrika.

La xidhiidha