Dhulku wuxuu hoy u yahay in ka badan 430 nidaam deegaan oo isku dhafan, mid walbana wuxuu leeyahay noole gaar ah oo wada nool oo midba midka kale ku tiirsan yahay. Marka dheeli-tirnaanta deegaanka la carqaladeeyo, waxay saamaysaa wax kasta oo ku jira nidaamka deegaanka.
Noocyada cayayaanka oo duulaanka ah (IAS) ayaa qayb ahaan sababa isku dheelitir la'aanta noocaas ah, iyo saameynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada ayaa sii kordhinaysa saameyntooda. Tani waxay khatar weyn ku tahay haqab-beelka cuntada, xasilloonida dhaqaalaha, caafimaadka, iyo hab-nololeedyada malaayiin ee jinsiga bini’aadamka.
IAS waxay joogaan guud ahaan caalamka oo dhan, laakiin faafkooda iyo hababka xakamaynta ayaa ka duwan wadanba wadanka kale. Afrika ayaa si gaar ah ugu nugul saameyta cayayaanka iyadoo ay ugu wacantahat safarka iyo ganacsiga oo kordhay, iyo habka ka hortagga iyo karantiilka xudduudaha oo taag-daran.
Si kastaba ha ahaatee, habab maareyn waara oo dhamaystiran ayaa loo isticmaalay xakameynta kiisaskii dhawaa si loo yareeyo fiditaanka iyo khasaaraha ay keento IAS. Iyadoo cilmi-baaristu horumareyso, waxaa soo baxay xalal shaqayn kara ee mustaqbalka dhow oo badan oo la awoodi karo.
Noocyada cayayaanka shisheeyaha ee duullaanka ah waa noolaha aan u dhalan gobol juqraafi gaar ah waxayna sababaan khalkhal ku yimaada hab-nololeedyada deegaanka. Noocyadan cayayaanka ayaa si xun u saameeya kala duwanaanshaha noolaha iyagoo isticmaalaya tartan, ugaarsi, ama gudbinta cudurada. Mararka qaarkood, IAS waxaa si ula kac ah ay bini’aadamka ugu fidiyaan gobollada aysan u dhalan si ay u helaan faa'iidooyin oo dhowr ah, sida maalulka beeraha, beerashada, ama ugaarsiga. Waxay sidoo kale si aan ula kac ahayn ugu faafaan qaab “keyd ama iska fogeyn ah” iyada oo la isticmaalayo xamuulka hawada ama keydka maraakiibta.
IAS waxay khatar ku haysaa haqab-beelka cuntada iyagoo saameeyn xun ku yeesha qaybaha beeraha iyo kalluumaysiga. Waxay si degdeg ah uga adkaadaan noocyada cayayaanka dabiiciga ah waxayna buux dhaafiyaan bay'ad cusub sababtoo ah ma laha noocyo noola ah oo la tartama ama ugaarsada si ay u dheelitiraan saamaynta ay ku leeyihiin nidaamka deegaanka.
Waxaa lagu qiyaasaa in Afrika ay ku lumiso $65 bilyan sannadkii saamaynta IAS, taasoo saamaysay hab-nololeedka 70% waddamada qaaradda. Khasaarahan ayaa ah qaab khasaara wax-soo-saarka beeraha, hoos u dhaca xoolaha ee dhul daaqsimeed la'aanta, iyo kororka kharashka caws-guridda. Dhanka kale, khasaarahan ayaa uga sii daraya arrimaha dhaqan-dhaqaale, sida luminta biyaha, iskahorimaadyada bulshada, iyo khataraha caafimaadka.
Daraasaduhu waxay muujiyeen in isbeddelka cimiladu uu soo dedejinayo soo dersinta iyo fidinta IAS. Saameynteedu waxay saamaysaa sida noocyada cayayaanka u safraan taas oo mararka qaar duulaankooda ka dhigeysa mid degdeg ah, aad u daran oo aan la saadaalin karin.
Qaar ka mid ah IAS waxay leeyihiin sifooyin la qabsi, kala duwanaansho hidde-side, iyo iyo qaabka noole oo ay u koraan, u tarmaan oo si guul leh ugu faafo xaaladaha isbeddelka cimilada. Marka la eego xaaladaha cimilada aadka u daran, heerka badbaadada iyo noolaanshaha ee noocyada cayayaanka u dhashay inta badan lama mid aha noocyada shisheeye.
Iyagoo ku meereysanaya xaaladba xaalada kale ka adag ayaa IAS waxay yareysaa adkeysiga deegaanka dabiiciga ah iyo nidaamyada beeraha, halka isbedelka cimiladu uu hoos u dhigo awoodda degaannada si looga hortago duulaanka noolaha. Inta u dhaxaysa 2005 iyo 2050, tirada noocyada shisheeye ee la xaqiijiyay adduunka ayaa la saadaaliyay inay kor u kacdo 36%.
Habka ugu waxtarka badan ee lagu xaddidayo fiditaanka IAS iyo yaraynta saameyntooda waa in la isku daro xalalka dhimista iyo maareynta labadaba.
Tallaabooyinka ilaalinta noolaha ee xudduudaha la isaga gudbo, nidaamyada digniinta ugu horayso, iyo siyaasadaha caalamiga ah ayaa ka mid ah xalalka yaraynta suurtagalka ah. Laakin, si ay kuwani waxtar u yeeshaan, waa in beesha caalamku ay iska kaashadaan. Haddii aan la helin wada-shaqeyn ku filan iyo heshiisyada xuduudaha, IAS waxay sii ahaan doontaa dhibaato weligeed ah oo adduunka oo dhan ah.
Hababka caadiga ah ee maaraynta IAS waxaa ka mid ah sunta cayayaanka synthetic ee horseeday kor u kaca iska caabinta cayayaanka iyo dillaaca cayayaan kale. Waxay kaloo aad qaali u yihiin marka ay kiimikooyinku wasakheeyaan ciidda, biyaha, iyo dhirta, waxay abuuraan heerar sun ah oo halis u ah in badan oo kamid ah dhirta iyo duurjoogta.
Xalka maaraynta dhaqaale ee waara kaas oo aan waxba ka tareyn deegaanka isla markaana dhaqaale ahaan la awoodi karo waa kontorool noole ah - bayoloji. Habkani wuxuu ku lug leeyahay soo bandhigida cadawga dabiiciga ah ee IAS ee deegaankeeda cusub. Cadawga dabiiciga ah ayaa meesha ka saaraya faa'iidada tartanka ee IAS ilaa ay awoodeeda hoos u dhigto heer u dhigma kan deegaanka dabiiciga ah.
Telenomus Remus, nooca parasitoid-ka ukunta, waa cadawka dabiiciga ah ee gooryaanka ciida ee dayrta (FAW). FAW waxay caan ku yihiin awoodda ay u leeyihiin in ay waxyeeleyaan oo ay burburiyaan dalagyo kala duwan - FAW ayaa sidoo kale hadda ah cayayaanka ugu waxyeellada badan ee saameeya khasaaraha soosaarka galleyda ee Afrika inteeda badan maanta. Wuxuu si degdeg ah ugu fiday qaaradda taasoo sababtay khasaare sannadle ah oo dhan $9 bilyan, wuxuuna khatar ku yahay hab-nololeedyada iyo sugnaanta cuntada in ka badan 300 milyan oo qoys oo beeralay ah.
Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in Telenomus Remus uu noqon karo xal dabiici ah oo lagaga hortagayo duullaanka FAW. Marka duli laga dhigo ukumaha FAW, koriimadooda, quudintooda, iyo dhaq-dhaqaaqooda waa la carqaladeeyaa taas oo keenta in saameyn hoose ay ku yeelato wax-soo-saarka dalagga. Noocan habka kantaroolka bayoolojiga ah wuxuu aad waxtar ugu yeelan karaa maaraynta IAS, iyadoo la yareynayo halista heerarka kala duwanaanta noolaha. Inkasta oo tallaabooyinka hore ee hababka noocan oo kale ah ay noqon karaan kuwo qaali ah oo aan la goyn karin, kharashka ku baxa wali aad ayay uga hooseeyaan marka loo eego hagaajinta iyo isticmaalka joogtada ah ee farsamooyinka xakamaynta caadiga ah.
Isbeddelka cimilada iyo IAS waxay khatar gelinayaan heerarka kala duwanaanshaha noolaha ee caalamiga ah, khalkhal gelinaya nidaamyada deegaanka ee muhiimka ah ee ay nolosha bini'aadamku ku tiirsan tahay. Gobollada Afrika ee aadka ugu nugul IAS waa in mudnaanta la siiyaa dhanka siyaasadda cimilada iyo hirgelinta xalalka xakamaynta wax ku oolka ah oo la awoodi karo, sida xakamaynta noolaha, si loo ilaaliyo badqabka cuntada mustaqbalka ee qaaradda iyo horumarinta dhaqanka iyo dhaqaalaha.