Xiritaanka farqiga dhijitaalka ah. Sida uu Covid-19 u bilaabi karo kacdoon waxbarasho isku-dhafan oo Afrika oo dhan ah

3/4/2022

Xiritaanka farqiga dhijitaalka ah. Sida uu Covid-19 u bilaabi karo kacdoon waxbarasho isku-dhafan oo Afrika oo dhan ah

Saamaynta COVID-19 wuxuu muujiyay sida ay lagama maarmaan u tahay aqoonta wax ku barashada hab dhijitaal ah ee adduunka casriga ah, iyo sidoo kaleba farqiga u dhexeeya quruumaha Afrikaanka ah ee ku saabsan helitaanka iyo waxbarashada.

Maadaama uu dunidu ka soo kabanayo saamaynta Covid-19, macallimiinta iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiyadu waxay dalbanayaan tillaabooyin cusub oo isbeddel ah si loo hubiyo in nidaamka waxbarashada Afrika aan laga tegin. Hagaajinta helitaanka koronto iyo tababarida macallimiinta qaaradda ayaa muhiim ah sidii si guul leh lala qabsado jawiga waxbarasho ee is beddelaya.

Xittaa inkastoo ka shaqeynta guriga u noqday wax caadi ah oo cusub oo loogu talagalay shaqaalaha xafiisyada oo aqoon dhijitaalka haysta, inta badan dadka Afrikaanka ah waxay ku qasbanaayeen inay la qabsadaan ama dib u dhigaan shaqadooda, kaasoo keentay natiijooyin isku dhafan.

Horumarinta dhijitaalka ayaa si xawli ah u socota, iyadoo 475 milyan qofood ku nool Afrikada dhexe iyo koonfuureed la saadaaliyay inay heli doonaan telefoonada gacanta oo internet leh ka hor 2025. Goobaha fiideyowga laga daawado iyo lagu soo bandhigo sida YouTube waxay noqdeen agab lama huraan ah inta lagu jiray xilliga bandowga, oo waxaa laga daawan jiray sida waxyaabo loo sameeeyo, is-daryeelka iyo fiideyaha xiriirka bulshada ayaa ahaa kuwo si caan ah u koraya.

Dalbashada helitaanka internetka sida xuquuqul insaan, iyo rabitaanka inaad noqoto qof caan ka ah YouTube ama ganacsade dhijitaal ah dhamaantood waxay ka bilaabmaan fasalka. Laga soo bilaabo fasalada Ghana, ilaa shirkadaha cusub ee laga aasaaso Tuniisiya, helitaanka qalabyo waxbarasho ka fiican, ka wanagsan iyo kuwo la isku halayn karo waxay u muuqataa inay noqon doonto arin isbedel u ah Afrikaanka.

89% ee ardayda wax ka barata Afrikada dhexe iyo koonfuureed ma heli karaan kombuyuutarrada guriga.

Iyo 82% ma lahan internet oo ugu yaraan 20 milyan waxay ku nool yihiin meelaha aanu daboolin shabakada telefoonada gacanta. Cudurka korona ayaa daaha ka qaaday sinnaan la'aantan ka jira guud ahaan dalalka Afrika.

Tamaraynta Afrika - dadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha

Covid-19 wuxuu Afrika daaha ka qaadey dhibaato waxbarasho oo laba heer ah oo u baahan xal laba-gees ah.

Tababarka macalinka ayaa dhif ah inuu ku jiro xirfadaha macluumaadka iyo isgaarsiinta tiknoloojiyada (ICT). Marka lagu daro helitaanka xaddidan ee korontada iyo shabakada telefoonada gacanta, la yaab ma ahan in dimoqraadiyeynta dhijitaalka ah, oo ay ku jirto aqoonta dhijitaalka ah, aysan u soo bixin si wax ku ool ah sidii la rabay.

Xitaa haddii ilmo kasta oo qaaradda ku nool la siiyo telefoonada gacanta ee casriga ah ama tablet-ka, helitaanka xaddidan ee korontada iyo internetka ayaa weli caqabad ku noqon doonta horumar dhab ah oo macno leh. In ka yar kala bar dadka ku nool Afrikada dhexe iyo koonfuureed (47.7%) ayaa qaba koronto sannadkii 2018.

Waxaa jirta baahi degdeg ah in maalgelin lagu sameeyo helitaanka korontada qaaradda, gaar ahaan ganacsiyada diiradda saaraya bixinta xalal tamar oo la awoodi karo muddada-dheer.

Macallimiintu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan dhismaha madaxda berri, haddana waxay ka mid yihiin shaqaalaha dawladda ee ugu mushaarka yar qaybo badan oo Afrika ah, taas oo inta badan ah wax niyad jab leh.

Dawladaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay kordhiyaan maalgelinta si ay u eegaan kartida macalimiinta hadda iyo dib u tababaran marka loo baahdo. Macallimiintu waxay sidoo kale dalbanayaan mushaar wanaagsan, si loo hubiyo in la dhiirigeliyo oo la ilaaliyo hamigooda. Horumarintani waxay siin kartaa ardaydooda jawi waxbarasho oo wanaagsan, kaasina wuxuu ku caawin doonaa inay furaan awoodooda.

Dhammaan ma ahan wax ku saabsan dhijitaalka…

Xoog saarashada waxbarashada dhijitaalka ah ayaa dadka qaarkiis u arkaan in ay ka leexinayso arrin wayn oo soo food saartay carruurta Afrikaanka ah; kaasoo ah in marka horey ay helaan waxbarashada caadiga ah ee habaysan.

Gabdhaha iyo haweenka da'da yar ayay u badan tahay inaysan helin waxbarashada ay u mudan yihiin. Sierra Leone iyo Laybeeriya, 95% haweenka da'da yar ee dhammeeya waxbarashadooda ka dib fasalka 6aad ma akhrin karaan jumlad fudud.

Qaar ka mid ah shirkadaha tiknoolajiyada caalamiga ah ayaa isku dayaya inay hagaajiyaan dheelitir la'aantaan. Shirkadda telefoonka Orange waxay xirfado aqoon dhijitaal ah siisay in ka badan 40,000 oo haween shaqo la'aan ah oo ku baahsan suuqyada ay ka hawlgasho ee Afrika iyo Yurub tan iyo 2015, oo ay ku jiraan barnaamijkeeda xarumaha dhijitaalka ah, sameynta dugsiyada laga barto luqadda kombyuutarka ee Senegal, Tuniisiya iyo Kameroon.

Waddamada Afrika ayaa ka shaqaynaya sidii ay farqiga u soo afjari lahaayeen; Dawladda Ghana ayaa bilawday barnaamijkooda 'Hal Macallin Hal laptop', oo ku qalabaynaysa macalimiinta Ghana xirfadaha ICT-ga ee looga baahan yahay, iyo in ka badan 350,000 oo laptop, si loogu diyaariyo jiilka soo socda xudduudaha cusub ee dhijitaalka ah.

Iyada oo mudnaanta la siinayo is-dhexgalka dhaqaale ee dhijitaalka ah, waddamo kale oo badan ayaa sidoo kale soo bandhigay hindise hami leh si loo horumariyo heerka aqoonta dhijitaalka ah ee dadka waaweyn iyo sidoo kale carruurta.

Tuniisiya. Kacaan-yahanada xasillan ee dhijitaalka Afrika?

Tuniisiya waxa ka socda is-beddelo wayn ee dhanka dhijitaalka. Iyada oo ay jiraan dad dhalinyaro ah, aqoon sare leh oo u gaajeysan tiknoolajiyada, qaranka waxaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu halabuursan Afrika, iyo dunida Carabta.

Inta badan waxaa loo arkaa good hibo u leh Yurub, dawladda Tuniisiya waxay si joogta ah u horumarinaysaa fursadaha deegaanka iyada oo curinaysa shirkado cusub, si ay u kiciso hal-abuurnimada waddaniga ah iyo hal-abuurka ganacsi.

Saameyntuna waxay ugu dambeyntii bilaabeysaa bixinta saami qaybsiga. Dugsiyada cusub ee barashada luqadda kombyuutarka ayaa noqday kuwo aad loo jecel yahay, iyagoo tababaraya in ka badan 5,000 oo farsame yaqaan kombyuutar cusub 2020. Shirkadaha AI waxay sameynayaan maalgashi malaayiin doolar ah, isku xirka gaarka ah ee Yurub wuxuu u muuqdaa inuu si dhakhso leh ula socdo fikradaha iyo ururada Tuniisiya tobanka sano ee soo socda.

Xittaa inkastoo COVID-19 saamayn yeeshay, dawladaha qaarada oo dhan waxay ballan qaadayaan maalgelin ka sii wanaagsan iyo taageerada mustaqbalka wanaagsan ee muwaaddiniintooda.

Inkastoo 60% ee dadka qaaradda ku nool da'doodu ka yar tahay 25 jir, waxbarashada iyo aqoonta dhijitaalka ayaa fure u ah bixinta aasaaska si loo helo shaqo loona kordhiyo horumarka deegaanka, qaranka iyo qaarada.

Hadda Afrika waa in ay gaarto hadafkeeda. Maanta, iyo berritaba.

La xidhiidha